U bood dhigaalka

Faah-faahin Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Duqeyntii Diyaaradaha Dagaalka Ka Geysteen Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Duqeymo diyaaradeed ayaa ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Bari halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaal-yahanno ka tirsan kooxda isku magacowda dowladda Islaamiga.

Warar ka soo baxaya ayaa sheegaya in Labo diyaaradood oo ah nuuca qumaatiga-u-kaca ay weerareen degaanno gobolka Bari ka tirsan oo ay ku sugan tahay kooxda Daacish.

Ilo wareedyo sirdoonka maamulka Puntland ka tirsan ayey Goobjoog ka soo xiganaysaa in duqeymaha lala eegtay hoggaamiyeyaal ka tirsan Daacish oo uu ku jiro aasaasihii ururkaasi ee garabka Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Cali Muumin.

Illaa hadda Daacish kama aysan hadlin duqeyntani iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Sheekh Muumin oo xaqiijinaya in waxyeello ay soo gaartay iyo in kale.

Degaanno dhowr ah oo dhaca gobolka Bari waxaa ku sugan dagaallamayaal ka tirsan dowladda isku magacowday khilaafada Islaamka ee Daacish waxaana mararka qaar dhaca iska hor imaadyo dhexmara iyaga iyo ciidamada maamulka Puntland.

Degaannada diyaaradahani beegsadeen waxaa magacyadooda ay kala yihiin Buqacaleed iyo Daanyo kuwaasoo ku yaalla gobolka Bari.

Buqa Caleed waxa uu qiyaastii 60 KM u jiraa magaalo xeebeedka la yiraahdo Qandala ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe oo si kooban duqeynta uga hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi lagu bartilmaameedsanayay rag ka tirsan Daacish.

“Weerarkan waxaa lala eegtay mas’uuliyiin iyo ciidamo  ka tirsan Daacish, waxaana soo gaaray khasaare badan” ayuu yrii guddoomiyaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada