U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dil Goor Dhaw Ka Dhacay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku waramaya in goordhaweyd magaaladaasi lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada madaxda ururka Ahlu sunna, waxaana dilkasi ka soo baxaya warar kala duwan.

Dilka ayaa yimid ka dib markii asakariga la dilay ay murmeen askari kale oo ay kawada tirsanaayeen ciidamada Ahlu sunna, sida uu soo sheegayo weriyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la dilay ay si kama’a xabadda ugu dhacday, waxaana la tilmaamayaa in labadaasi askari ay ahaayeen qaraabo dhaw sida la inoo xaqiijiyay.

Weli ma jirto faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga helay dilka goordhaw ka dhacay caasimadda galmudug ee Dhuusamreeb.

Dilkan ayaa ku soo aadaya xilli maanta xarunta ay deganyihiin Ahlu sunna uu ka socday olole lagu jay buuxinayo agagaarka xarunta Inji ee magaalada Dhuusamreeb.

Goobjoog News