U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dilal Ka Dhacay Magaalada Jowhar

Sheeko:Amniga

Wararka aan saakay ka helayno magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay ilaa iyo habeen hore siyaabooyin kala duwan magaaladaasi loogu dilay dhalinyaro dadka deegaanka ahayd.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in xalay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cismaan Raage lagu dilay xaafada buula sheekh ee magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in dilkaasi uu geystay askari ku labisnaa dereeska ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale habeen ka hor ayaa agagaarka xaafadda Horseed lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka deegaanka lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay dilalkan.

Goobjoog News ayaa la xiriirtay taliska booliska magaalada balse kama aysan jawaabin xiriirkii aan la sameynay mana jirto howlagallo lagu baarayo dilalka saacadiihi la soo dhaafay ka dhacay xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa muddoyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan oo magaaladaasi ay ka geysanayaan kooxo hubeysan iyadoo aysan jirin tallaabo lagu joojinayo falalkaasi.

Goobjoog News