U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dilal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Puntland

Sheeko:Amniga

Dilal qorsheysan ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo dhanka Puntland iyo sidoo kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Nin bistoolad ku hubeyan ayaa gaari rakaab ah oo uu saarnaa waxa uu ku dhex dilay askari ka tirsan ciidanka Puntland, kaasi oo la sheegay in lagu magacaabi jiray Shuceyb Cismaan, waxaana goobta isaga baxsaday ninkii dilka geystay.

Dhanka kale, nin watey bistoolad ayaa Gaalkacyo ku toogtay C/rashiid Faarax oo 12 sano jir ahaa, xalay xilli uu ku sugnaa banaanka kore ee gurigiisa.

Ninkii wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidfamada ammaanka oo howlgallo sameeyey.

Deegaannada Puntland waxaa maalmahan dambe kusoo badanayey falalka amni darri, waxaana magaalooyin dhow ah ka dhacay dilal qorsheysan.

Goobjoog News