U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarad Ay Leedahay Ethiopian Airlines Oo Bur-burtay

Sheeko:Dalka

Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa maanta burburtay, Lix daqiiqo kadib markii ay ka kacday garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaaraddan ay ku wajahneyd magaalada nairobi ee dalka Kenya, waxaana saarnaa 157 qof oo 8 ka mid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.

Lama oga waxa keenay in diyaaraddan ay burburto, waxaana warbaahinta qaar ay sheegayaan in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay dhinteen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News