U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhig Al-shabaab Ku Lahaayeen J/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay habeenkii xalay ahaa ay diyaarado dagaal, gaar ahaan nooca aan duuliyaha lahayn ay ka fuliyeen saldhig ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaan ku dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in dhowr gantaal ku dhufteen saldhiggan oo ku yaalla deegaanka Beerxaani, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, walow inta uu la egyhaya aan la ogeyn.

Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntan xilliga ay dhacaysa uu shir ka socday saldhigga la weeraray.

Sidoo kale saraakiishan ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab, waliba howlo muhiim ah uga qaban jiray gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab kama aysan hadal duqeyntan iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray, waxaana xaaladda ay tahay saakay mid deggan.

Goobjoog News