U bood dhigaalka

Faah Faahin: Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhig Al-shabaab Ku Lahaayeen J/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ku dhow deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubada Hoose, kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Diyaaradahan ayaa lasoo sheegayaa inay duqeeyeen saldhigyo ay ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Duqeyntan oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsaday saldhigyadan iyadoo madaafiic ay ku dhaceen meello shacab ku sugnaayeen.

Saraakiil u hadashay Milatariga dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Jubada Hoose waxay xaqiijiyeen in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay duqeyntan, hase ahaatee dad ku dhow halka la duqeeyay waxay sheegeen in madaafiicda ay ahaayeen kuwo xooggan.

Xarakada Al-shabaab dhankooda kama aysan hadal khasaaraha kasoo gaaray duqeyntaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News