U bood dhigaalka

Faah faahin: Duqeyn Diyaaradeed Ka Dhacday Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn  diyaaradeed oo habeenkii xalay ahayd ka dhacday deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabellaha Hoose.

Sidey ku waramayaan dadka deegaanka, duqeyntan ayaa dhacday abaare 03:00 (Sagaal saac), waxaana la maqlay jug xooggan iyo guuxa diyaarad.

Duqeyntan ayaa la sheegayaa in lala eegtay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana la sheegay iney walxaha qaraxa ku rarayeen gaari nooca Homey loo yaqaan.

Waxay duqeyntaan burburisay gaarigaasi, waxaana waxyeello xooggan ay soo gaartay dagaalyahannadii halkaasi ku sugnaa.

Faah faahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha inta ay la egtahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan, iyadoo dhanka Al-shabaab aanay wax war ah kasoo saarin, sidoo kalena maamulka gobolka Shabellaha Hoose weli kama aanu hadal duqeyntan.

Maalmihii ugu dambeeyay, diyaaradaha dagaalka ee dowladda Marykanka oo caawinaya dowladda Soomaaliya ayaa duqeyn waxay la eeganayeen saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin qaar kamid ah gobolka dalka.

Goobjoog News