U bood dhigaalka

Faah Faahin: Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa duqeyn ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaare.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nooca raxada ah oo kusoo socday dhanka magaalada Muqdisho, wuxuuna marayey Tuulada Maracadde oo ay maamulaan Al-shabaab una dhaxeeya deegaannada Cadow Dibille iyo Xaawo Cabdi, iyadoo ay ku dhinteen dadkii la socday.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan duqeynta lala eegtay looga shakisan yahay in laga soo buuxiyey walxaha Qarxa, kuna soo socday Muqdisho.

Ma jirto faah fahinno intaan ka dheer oo laga helay gaarigan lagu duqeeyay Shabellaha Hoose, balse diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale duqeymo uga geystay gobolka Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada