U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ganacsade Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Rag ku  hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada magaaladaasi.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, waxaana markii la dilayey uu kasoo baxay masjid uu salaadda cishaha kusoo tukaday.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in raggii dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe amni ahaan waxa ahayd mid faraha kasii baxaysay iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgallo wadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News