U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ganacsade Lagu Dilay Magaalada B/weyne Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen mid kamid ah ganacsatada ugu caansan magaaladaasi.

Ganacsadaha la diley ayaa lagu magacaabayey Muumin C/lle Xasan, waxaana lagu dilay xaafadda Kooshin gaar ahaan Laanta Cilmi Loos ee magaalada B/weyne.

Dilka kadib waxaa goobta gaarey ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ah oo halkaasi howlgal dad lagu soo qabqabtey ka sameeyey.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Inji oo u warammay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka ay ciidamada soo qabteen hadda lagu hayo baaritaan, waxaana uu ka gaabsaday inuu shaaciyo dadka gacanta lagu hayo.

Ganacsadaha la diley ayuu sheegay in magaalada Baladweyne uu ka waday mashaariic kala duwan, isaga oo tilmaamay in aan laga hari doonin cid walbo oo dambigaasi dilka ah ku cadaato.

“Dadka lasoo qabtey baaritaan baan ku wadnaa, ma dhahayo dadkii wax diley baa la qabtay laakiinse kii aan dambi lahayn waa lasii deyn, kii lagu helana maxkamad ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Amniga magaalada B/weyne ayaa maalmaha dambe u muuqday mid kasoo hagaagayey sidii hore walow mararka qaar dilal sidan oo kale ah ay ka dhacaan magaaladaasi.

Goobjoog News