U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ganacsade Lagu Dilay X/weyne

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa degmada X/weyne ee gobolka Banaadir ku dilay nin oday ah oo ka mid ah ganacsatada suuqa degmadaasi.

Sida ay dad goob joogayaal ah inoo sheegeen, ninkan la dilay ayaa halkaasi ku iibin jiray dharka loo yaqaan hudheyda, waxaana dilay dhallinayaro bistoolado ku hubeysan.

Raggii wax dilay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo howlgallo sameeyey.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ah mid kasii daraya, waxaana dhacay dilal sidan oo kale ah.

Goobjoog News