U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ganacsade Lagu Diley Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaa kuwa Nabad sugidda ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu nin ganacsade ah ku dilay Tabeellaha Dheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabayey C/kariin C/qaadir Maxamed, waxaana la sheegay iney wad murmeen askarigaasi, sidaasina lagu diley.

Goob jooge ku sugnaa halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News, in goobta uu ka baxsaday askarigii wax dilay, waxaana halkaasi gaaray ciidanka dowladda oo howlgallo sameeyay.

Lama oga askariga iyo marxuumka waxa uu murankooda ku saabsanaa, balse dilalka sidan oo kale ah ayaa mararka qaar ka dhaca Muqdisho iyo deegaannada kale ee gobollada dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News