U bood dhigaalka

Faah Faahin: Guddoomiye Mursal Iyo Xildhibaanno Kulan Yeeshay

Sheeko:Baarlamaanka

Hoyga guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa xalay tagey xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxay xildhibaannadan kulan la yeesheen guddoomiyaha oo ay ka wadahadleen arrimo badan oo mooshinka ku saabsan.

Xubno ka mid ah xildhibaannadan la kulmay guddoomiye Mursal ayaa inoo xaqiijiyey in saacadaha soo aadan ee maanta uu guddoomiyaha la hadli doono warbaahinta, islamarkaana u faah faahin doono arrimo badan oo mooshinka ku aadan.

Wuxuu sidoo kale ka hadli doonaa wararka sheegayey in loo diidey xildhibaanno iney u tagaan sidoo kalena biro lagu horjaray hoygiisa.

Xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ayaa 9-kii bishan waxay mooshin ka keeneen madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed, wuxuuna mooshinkaan yahay mid xil ka qaadis ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News