U bood dhigaalka

Faah faahin:- Gudoomiye Muungaab iyo Nicholas Kay oo Muqdisho ku kulmay (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

DSC_0076

Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta dowladda Hoose kulan ku yeeshay Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahana duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Kulankaan oo markiisa hore ahaa mid Albaabada u xiran saxaafaddana ay banaanka ka joogtay, ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray waxyaabihii u qabsoomay maamulka Gobalka Banaadir mudadii uu shaqeynayay.

Markii uu soo gaba gaboobay waxaa waxyaabihii diiradda lagu saaray saxaafadda faah faahin guud ka siiyay Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cali maxamuud Faarax Seeko, waxaana uu sheegay in qodobo muhiim ah laga wada hadlay.

“Kulanka waxaa looga hadlayay wixii u qabsoomay maamulka gobalka Banaadir, waxa la filayo in la qabto iyo caqabadaha jira, waxaa la’isla soo hadal qaaday arinta ku saabsan dariseenta oo aad ogtihiin in ay ka dhaceen Xamar oo 500 oo qof deriseen ah loogu sameeyay Xamar, waxa laga hadlay waxaa ka mid ah arimihii UNDP ay dadka u qaban jireen gaar ahaan Haweenka kor loo soo qaado, sidoo kale sidii loo dar dar gelin lahaa isdhex galka Bulshada oo la’isku soo hadal qaaday in wax badan ay ka qabsoomeen, sida ay u dhici karaan doorashooyinka golaha deegaanka iyo arimo kale” ayuu yiri Afhayeenk Seeko.

Kulanka ayaa ugu dambeen kusoo gaba gaboobay Jawi degan iyo is Afgarad, iyadoo kulankaan uu daba socday kulamo horay ay Mas’uuliyiintaan u yeesheen.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada.

DSC_0058

DSC_0076

DSC_0071

DSC_0079

DSC_0082

DSC_0084

Goobjoog News