U bood dhigaalka

Faah Faahin: Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hal Ruux oo Haween ah ayaa ku Geeriyootay illaa 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday kaa oo ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Warar ay heshay Goobjoog News waxay sheegayaan in ciidanka amniga ay ka war heleen xogta ah gaarigan ay saaran yihiin Walxaha qarxa, islamarkaana raadintiisa ay ku jireen.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay baaritaan dheer ku dhaqaaqeen iyaga oo ka sameynayey wadada Wadanaha, waxaana la xaqiijiyey in ay gaariga ku arkeen wadadaasi, iyaga oo daqiiqado badan eryanayey hase ahaatee ugu dambeyn isku qarxiyey Isgoyska Siinaay.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa halka qaraxan uu ka dhacay ayaa u sheegay Goonbjoog News in dadka waxyeellada dhaawaca ah soo gaartay ay ku jiraan askar ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada Muqdisho weli wax faah faahin ah kama aanay bixin qaraxan.

Ka sokow waxyeellada uu qaraxan u geystay dadkii ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa waxaa sidoo kale jirta burbur uu soo gaarsiiyey xarumo ganacsi oo halkaaasi ku yaalla.

Goobjoog News