U bood dhigaalka

Faah Faahin: Howlgal Lagu Badbaadinayo Markab Sida Shixnado Ganacsi Oo Ka Socda Dekadda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney wadaan dedaal xooggan oo ay ku badbaadinayaan markab weyn oo sida shixnado ganacsi oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

Maareeye ku xigeenka dekadda Muqdisho C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in markabkaan oo damacsanaa inuu kusoo xirto dekadda ay ku dhegtay ciid (carr0), balse la wado dedaal lagu doonayo in arrintaan wax looga qabto.

Waxa uu sheegay maareeye ku xigeenka in Markabkaan ay saaran yihiin 500 Kunteenar oo ay ku jiraan shixnado ganacsi oo kala duwan, rajada badbaadintiisa ahna ay tahay 80%.

“Waxaan ku dhex jirnaa inaan badbaadinno hanta Soomaaliyeed oo saaran Markab weyn, meeshii marinka ahayd ee uu soo marayey ayaa waxaa ku dhegtay carro, waxaan wadnaa dedaal xooggan, markabkaan wuxuu sidaa 500 kunteenar, waxaa lagu soo xiri rabay dekadda, inaan badbaadinno waxaan qabnaa rajo ah 80%” ayuu yiri maareye ku xigeenka dekadda Muqdisho.

Maareeye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in sanadkii hore sidan oo kale ay dhacday walow ay badbaadiyeen markabkii cillaadaasi qabsatay.

Shirkadda gacanta ku haysa Dekadda Muqdisho ayuu sheegay C/raxmaan Maxamed in heshiiskii lala galay uu ku jiray in sanadkiiba mar ay carrada ka saarto nawaaxiga dekadda weyn ee Muqdisho.

Goobjoog News