U bood dhigaalka

Faah Faahin: In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Qaraxyadii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, kuwaasi  oo khasaare kala duwan geystay.

Wararka Goobjoog News ay ka helayso qaraxyadaasi ayaa waxay sheegayaan inay ahaayeen Labo qarax oo mid ka mid ah loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Gaariga qaraxa laga soo buuxiyey ayaa lala eegtay xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo halkaasi oo la sheegay inay ku shirayeen Odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan.

Waxyar kadib markii uu qaraxaasi dhacay islamarkaana dadka ay halkaasi isugu soo xoomeen ayaa la sheegay in goobta qarax kale uu ka dhacay, dadka qaarna waxay sheegayaan in ruux is qarxiyey halka dadka qaar ay sheegayaan in meesha kusii aasnaa qaraxa Labaad, laakiinse weli xaqiiqda arrintaasi lama helin.

Inta la xaqiijiyey qaraxyadaan waxaa ku geeriyootay 13 qof oo shacab u badan, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 20 sida saraakiisha caafimaadka Gaalkacyo sheegayaan.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan Puntland oo si kooban ula hadlay warbaahinta waxay sheegayaan in gaariga laga soo buuxiyey walaxaha qarxa uu saarnaa qof naftii hure ah.

Weli xaaladda magaalada Gaalkacyo waa mid aad u kacsan, waxaana xiran dhammaan waddooyinka gala halka qaraxa uu ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News