U bood dhigaalka

Faah Faahin: Israsaaseyn Ay Ku Geeriyoodeen 4 Qof Oo Ka Dhacday Shabeelaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dad gaaraya 4 qof ay ku geeriyoodeen israsaaseyn ciidamo kawada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhexmartay deegaanka Xaaji Cali oo hoos yimaada degmada Cadale ee gobalkaasi.

Israsaaseyntan ayaa timid ka dib markii ciidan kawada tirsan mileteriga Soomaaliya uu soo kala dhex galay khilaaf ku aadanaa Khaad halkaasi lagu iibinayay, iyada oo rasaastaasina ay sababtay khasaare kala duwan.

Cabdulaahi Xuseen Faarax oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Macawisleey islamarkaanka la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in daaalkan koobnaa ay ku geeriyoodeen 4 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dumar, isaga oo tilmaamay in saddex qof oo kalane ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa sheegay in ciidankii xalay ku dagaalay Shabeelaha dhexe ay iyagu kala dhex galeen islamarkaana ay gurmad u sameeyeen dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, waxa uuna xusay in dadka qaar dhawcyadooda loo qaaday magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jirto saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga  qeybtooda Shabeelaha dhexe  oo ka hadlay israsaaseyntaasi.

Goobjoog News