U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Dagaalka ayaa ahaa mid aad u xooggan, waxaana lagu dagaallamay deegaannada kala ah Lambar 50, Ceel wareegow, Gandarshe, Jilib Marka iyo sidoo kale deegaanno kale oo ku dhow magaalada Marka.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ciidamada Al-shabaab la sheegay iney weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo deegaannadaasi qaarkood ku sugan, hase ahaatee waxaa dadkaasi gurmad u sameeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhimatay 4 ruux, iyadoo dagaalka uu soo gaaray illaa xalay 2-dii saqdhexe.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen iney ku dileen in ka badan 10 askari oo ciidanka dowladda ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaasi, xaaladuna maanta waa mid deggan.

Goobjoog News