U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Afgooye

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah oo maanta duhuradii ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ruux waday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana noociisu yahay Homey ayaa la sheegay in uu isku qarxiyey goob ay deganaayeen ciidamada dowladda islamarkaana canshuurta looga qaado gaadiidka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey ku dhowaad Shan qof iyadoo Toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa u badan shacab goobta ku sugnaa kuwaasi oo gaadiidkooda meesha lagu canshuurayey.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay Afgooye.

Ma jirto dhanka dowladda wax hadal ah oo ay kasoo saareen qaraxan, iyadoo xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana xiran waddooyinka ku dhow halka qaraxan uu ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News