U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Duleedka Jowhar

Sheeko:Caafimaadka

Ku dhowaad 30 ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhaawaca dadkaasi ayaa yimid kadib markii gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen uu ku dhacay baabuur kale oo xoolo u badnaa ari lagu waday.

Shilka ayaa ka dhacay degaan la yiraahdo Crash Program oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Jowhar.

Dadka degaanka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog in dadka qaar ay qabaan dhaawacyo halis ah halka kuwa kalena la soo sheegayo in burbur xagga lafaha ah uu jiro.

Isbitaalka Jowhar aya dadkaasi qaarkood la geeyay kuwaasi oo xaaladooda caafimaad wax looga qabanayo.

Goobjoog News