U bood dhigaalka

Faah faahin: Khasaare Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Maleeshiyaad  ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaallameen deegaanka Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey Laba qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay qof kale, sidey sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka Maleeshiyadan ayaa ku  bilowday kadib markii ay isticmaaleen Maandooriye, taasina ay keentay iney isku dhacaan.

Xaaladdu waa mid deggan, waxaana kala dhexgalay waxgaradka iyo culimada deegaanka, waxaana socota xallinta wixii dhacay.

Goobjoog News