U bood dhigaalka

Faah Faahin: Khasaare Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo u dhaxeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen dhowr qof ayaa ku rogmaday halkaasi, waxaana dhintey Hal qof, iyadoo Shan kalena ay dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa lasoo gaarsiiyey isbitaalka degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana dadka qaar la sheegay in xaaladooda ay adag tahay.

Sarkaal ka tirsan Ahlu-sunna kana gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaariga rogmaday yahay NOHA, dadka dhaawaca ahna la dabiibayo.

Dadka qaar ee dhaawaca soo gaaray ayaa lagu wadaa in loo qaado magaalada Muqdisho si xaaladooda wax looga qabto.

Goobjoog News