U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Koox Hubeysan Oo Weerar Ku Qaadday Saldhigga Degmada Hilwaa Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka mid yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen saldhigga degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho halkaasi oo rasaas xooggan la’isku adeegsaday.

Qof ku sugan degmada Hilwaa ayaa u sheegay Goobjoog News in weerarkaan uu ku billawday hub culus oo lagu tuuray saldhigga, kadibna rasaas badan la’isku adeegsaday.

Goobjoogahan ayaa sheegay in ciidamadii saldhigga ku sugnaa ay iska difaaceen kooxdii weerarka soo qaadday oo uu tilmaamay in qaar ay ka dileen sidoo kalena ay nolosha ku qabteen mid ka mid ah raggii weerarka ku qaaday saldhigga Hilwaa.

Weli lama hayo inta uu la egyahay khasaaraha guud ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkani.

Maamulka degmada Hilwaa weli kama aanu warbixin weerarkaan ka dhacay saldhigga degmadaasi, iyadoo ciidamada dowladda ay saaka halkaasi ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Xaaladda guud ee degmada Hilwaa waa mid deggan, waxaana si caadi ah u socda gaadiidka dadweynaha iyadoo ay furan yihiin dhammaan xarumaha ganacsiga ee degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News