U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ku Dhowaad 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

 

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaa qaraxan lagu weeraray Hotelka Five Star oo ay deganaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo uu ugu horreeyo taliyaha ciidanka dhulka, Sarreeyo Guuto C/xamiid Maxamed Dirir iyo sidoo kale taliyaha ciidanka qeybta 21-aad C/casiis Qooje.

Gaariga qarxay ayaa lagu dhuftay gaari kale oo banaanka yaallay, waxaana la sheegayaa inay askar saarnaayeen.

Inta la xaqiijiyey 8 qof ayaa qaraxaasi ku dhimatay, waxaana jira dhaawac intaasi ka badan, sida ay goob joogayaal inoo sheegeen.

Dadka dhintay ayaa isugu jira ciidan iyo shacab ku sugnaa Hoteelka, waxaana sidoo kale jira burbur hantiyeed oo halkaasi ka dhashay.

Ciidanka dowladda ayaa lagu soo waramayaa iney Gaalkacyo ka bilaabeen saakay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayo, mana jirto faah faahin kale oo weerarkaasi laga bixiyey.

Goobjoog News