U bood dhigaalka

Faah Faahin Ku Saabsan Geerida Taliyahii Ciidanka Booliiska Somaliland

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay geerida Taliyahii ciidanka Booliiska Somaliland oo xalay ku geeriyoodey Hargeysa.

Wasiirka wasaaraddan, Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn tacsi ka diray geerida Taliye C/laahi Fadal Iimaan isaga oo sheegay in uu dadkiisa ugu soo shaqeeyey si hagar la’aan ah.

Wuxuu sheegay wasiirka, in taliyaha uu maalmihii ugu dambeeyey xanuusanayey, isaga oo horey caafimaad ugu tagay dalka Turkiga.

Allaha u naxariistee, C/laahi Fadal xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska Somaliand, isaga oo soo noqday taliyaha saldhigga dhexe ee Hargeysa iyo sidoo kale hoggaanka howlgelinta ciidanka Booliiska oo uu hayey ku dhowaad 20 sano.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Fadal u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, wuxuuna geeriyoodey isaga oo xilkaasi hayey.

Goobjoog News