U bood dhigaalka

Faah Faahin: Kulan Amaanka Looga Hadlayay Oo Ka Dhacay Degmada Baraawe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaraaweMaamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan balaaran oo amaanka looga hadlayay, kaa oo ka dhacay degmada Baraawe ee gobalkaasi.

Kulankaan oo uu ka qeybgalay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa amaanka gobalkaasi, gaar ahaan Baraawe oo noqoneysa caasimadda Koonfur galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda Xaaji Cabdulle oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in kulanka uu kusoo gaba gaboobay is afgarad, arimo badanna laga soo saaray.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wadooyinka soo gala degmada Baraawe gabi ahaan amaankooda la sugo iyo sidoo kale arimo ku aadan sidii ciidamada wada shaqeyn ula yeelan lahaayeen shacabka degmadaasi ku dhaqan.

“In la adkeeyo Nabad galyada, in wadooyinka soo gala degmada Baraawe wax badan laga qabto, in tirada ciidamada Tayo lagu daro, ciidamo dheeraad ah in la keeno degmada iyo arimo kale ayaa kulanka la’isku af gartay” ayuu yiri Xaaji Cabdulle.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalintii shalay ahayd gaaray degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose markii ugu horeysay tan iyo markii xilkaasi loo doortay, isaga oo la kulmay maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkaan Hoose ka dhageyso

Goobjoog News