U bood dhigaalka

Faah Faahin: Kulan Looga Hadlayey Arrimaha Dastuurka Oo Ka Dhacay Jowhar

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayey arrimaha Dastuurka dalka ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil, guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed, Ku xigeennadiisa, guddiga dastuurka ee baarlamaanka Hirshabelle iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda ee maamulkaasi.

Waxaa shirkaan diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa dib u eegista dastuurka iyo sida loo ambaqaadi karo nidaamka dastuurka dib u eegis loogu sameyn karo.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in talooyinka ka imaanaya maamul goboleedyada ay yihiin kuwo aad u muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah qabyada looga saaro dastuurka.

Wafdigan ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Labdii maalin ee lasoo dhaafay waxay ku sugnaayeen magaalada Jowhar.

Goobjoog News