U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Laba Diyaarad Oo Ay La Socdeen Soomaali Qaxooti Ku Ahaa Kenya Oo Gaaray Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, waxaa maanta soo gaaray Laba diyaarad oo waday Soomaali Qaxooti ku ahayd xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.

Diyaaradii ugu horeysay ayaa waday 13 qoys oo tiradoodu ahayd 61 qof, halka diyaaraddii Labaadna ay la socdeen 59 qof oo iyana qaxooti ku ahaa dalka Kenya.

Wadarta guud dadka maanta dib looga soo celiyay xeryaha dhadhaab ayaa ah 120 qof, kuwaasi oo si iskood isku soo diiwaan geliyay.

Gudoomiye ku xigeenka guddigab dib u dejinta maamulka Jubbaland Maxamed Khadar oo soo dhaweynta dadkaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadkani ay dejin doonaan magaalada Kismaayo, gaar ahaan goob loogu tala galay oo lagu magacaabo Dalxiis, iyadoo horay halkaasi ay usii deganaayeen dad kale oo Kenya ka yimid.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa iska kaashaday in dadkaan maanta dib loogu soo celiyo magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in si weyn ay uga qeyb qaadan doonaan dib u dejinta dadka kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Xeryaha dhadhaab ee Kenya waxaa qaxooti ku ahaa Soomaali aad u badan, iyadoo dhinaca kale uu jiro Heshiis Seddax geesood ah kaa oo dhex maray dowladda Federaalka, Kenya iyo Qaramada qeexayana in dadka doonaya dalkooda inay kusoo noqdaa loo fududeeyo.

Goobjoog News