U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helay Dil Xalay Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Amniga

Rag ku hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dileen nin lagu magacaabayey C/laahi Cali Cumar.

Sidey xaqiijiyeen goob joogayaal, ninkan la diley oo ahaa maareeye ku xigeenkii shirkadda Golis ayaa dilkiisa waxaa ka dambeeyey rag bistoolado watay.

Xilliga la dilayey ayuu kasoo baxay masjid uu salaadda cisha ku tukaday, kaasi oo ku yaalla Boosaaso.

Raggii dilkaasi ka dambeeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi howlgallo ka bilaabay ciidamada ammaanka ee Puntland.

Ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaan, iyadoo wararka ay sheegayaan in illaa iyo saakay ay ciidamada Puntland howlgallada ka wadaa Boosaaso.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa kusoo batay magaalada Boosaaso oo ah magaalo ganacsi.

Goobjoog News