U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Diyaaradii Caawa Kusoo Dhacday Duleedka Muqdisho Iyo Magacyada Dadkii Saarnaa (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaaradii caawa kusoo dhacday duleedka magaalada Muqdisho, ka dib markii ay u suurta geli weysay in ay kasoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa wadihii kaxeynayay waxa uu ugu dambeyn ku dejiyay waddo isku xirta degmada Afgooye iyo deegaanka Carbiska, iyadoo diyaaradda uu burbur kasoo gaaray qeybaha hoose.

Sida Goobjoog News ay wararka ku helayso diyaaradaan ayaa lagu magacaabaa Tri-Star Air Cargo, waa diyaarad weyn oo ah kuwa xamuulka qaada, waxaana la sheegayaa in hub badan uu ku rarnaa iyo saanado kale oo Milatari.

Waxaa diyaaradaan saarnaa Lix Ruux oo ay ku jiraan kaxeeyayaasha diyaaradda, iyadoo markii ay soo dhacday uu dhaawac gaaray mid ka mid ah dadkii saarnaa.

Hadaba Goobjoog News, waxaa u suurta gashay in ay hesho magacyada dadkii saarnaa diyaaradda, kuwaa oo kala ah.

Hadaba halka diyaaradda ay ku dhacday waxaa gaaray ciidamada AMISOM oo goobta dhan la wareegay, waxaana ruuxa dhaawacmay loola cararay xarun caafimaad.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa hubka diyaaradaasi saaran, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in hubka loo waday AMISOM, balse weli dowladda ama dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin.

D2 D1

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News