U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Sh/hoose, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaari Dameer oo ay saarnaayeen shacab kasoo barakacay dagaalladii maanta ka dhacay Bariire ayaa la xaqiijiyey in miino kula qaraxday duleedka deegaankaasi.

In ka badan 5 qof ayaa qaraxan ku dhintey, iyadoo sidoo kale uu jiro dhawac soo gaaray dad kale oo gaarigaasi la socday.

Bariire waxaa saakay ku dagaallamay ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah, iyadoo ugu dambeyn ciidanka is garabsanaya la wareegeen deegaankaasi.

Goobjoog News