U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Qarax Gaari Oo Saakay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saakay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Maanabooliyo , dhanka degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa la sheegay in lagu xirey walxaha qarxa, waxaana saarnaa nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Shiine, misane caan ka ah degmada Shibi ee magaalada Muqdisho.

Goobta waxaa ku dhintey Abuu Shiine, waxaana ku dhaawacmay ruux kale oo la socday.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada baarista qaraxyada, iyaga oo halkaasi howlgal ka sameeyay.

Maamulka degmada Boondheere weli faah faahin dheeraad ah kama aanu bixin qaraxan, maadaama gaariga markii uu qarxayey marayey degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News