U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Degmada Dhoobley

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ciidamo ka tirsan Kenya lagula eegtay degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Qaraxan ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay waxaana lala eegtay gari ay la socdeen ciidamada Kenya oo marayey degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhimatay 7 ka mid ah ciidanka Kenya, iyadoo ay Labo kale dhaawacmeen, sidaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyey saraakiil Kenya ah.

Saraakiishan ayaa sheegay in qaraxa markii uu dhacayey wadeen howlgallo roondo ah oo amniga lagu sugayey.