U bood dhigaalka

Faah faahin Laga Helayo Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Dayniile

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ciidamo ka tirsan dowladda federaalka lagula eegtay xaafadda Oodweyne, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in miinadan ay ku aasneyd dhulka, lalana eegtay ciidamadan oo watey gaari yar.

Hal askari iyo guddoomiye Laameed ayaa la xaqiijiyey in goobtaasi ay ku dhinteen, iyadoo sidoo kale halkaasi dhaawac kasoo gaaray ruux kale oo shacb ah, kaasi oo ka dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayey.

Muqdisho, waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay qaraxyo waxyeello kasoo gaartay dad u badan shacab.

Goobjoog News