U bood dhigaalka

Faah Faahin Laga Helayo Qaraxii Galabta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey 7 qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay Lix kale sida uu xaqiijiyey Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ahayd meel ay ku badnaayeen dadka shacabka ah, waxaana dadki dhaawacmay loo qaaday isbitallada ku yalla Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan, waxaana wararku sheegayaan in gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa la dhigay Maqaayad ku taallay degmadaasi.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay qaraxan ayaa si kulul u cambareeyay, wuxuuna shacabka ugu baaqay iney meel uga so wada jeestaan Al-shabaab.

Goobjoog News