U bood dhigaalka

Faah faahin: Libaax xalay dad ku waxyeeleeyay magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

LibaaxHabeenkii xalay ahaa waxaa Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxyeelo ka geystay Libaax la sheegay in lagu haayay mid ka mid ah guryaha halkaasi ku yaalay.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Libaaxaan uu muddo halkaasi joogay, kana mid ahaa Sedax Liibaax oo Haweeneey halkaasi ku haysatay, balse Labadii kale kol hore ay geeriyoodeen.

Laba qof oo mid ka mid ah Haweeneey tahay ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaawacmeen, waxaana halkaasi kasoo baxsaday qoyskii ku sugnaa hoyga Libaaxa lagu hayay, ka dib markii xaaladda ay is bedashay.

Gabadha dhaawaca uu soo gaaray waxay ka mid tahay qoyskii Libaaxa haystay, halka wiilkana la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xaafadda waloow xaaladiisa ay tahay mid daran.

Waxay tani noqotay arin aad u wal wal gelisay shacabka ku dhaqan xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid, mar hadii Libaax waxyeelo geystay uu weli xaafadooda ku sugan yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News