U bood dhigaalka

Faah Faahin: Madaafiic Lagu Garaacay Deegaanka Lambar 50 Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Waxaa deggan xaaladda degaanka Lambar Konton ee gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo lasoo sheegayo in saacadihii la dhaafay lagu garaacay madaafiic.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa deggan degaankaasi waxaana loo malaynayaa in madaafiicdaasi la sheegayaa xarumaha ay ciidankaasi deggan yihiin.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News ay ka soo xigatay in xaaladdu ay tahay maanta oo Jimco ah mid deggan islamarkaana ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee fariisimahooda la beegsaday.

Guddoomiye xigeenka degaanka Lambar Konton ee gobalka Shabeellaha Hoose Cali Nuur Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa beeniyay in madaafiic ay ku dhacday xeryaha ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi.

Degaanno kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose waxaa maalmihii dambe ka dhacayay weerarro ay geysanayeen dagaalyahannada hubeysan ee Xarakada Alshabaab.

Goobjoog News