U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Madaxweyne C/weli Gaas Iyo Ambassador Nicholas Kay Oo Arrimo Dhowr Ah Ka Shiray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa xalay kulan ku yeeshay madaxtooya Puntland ee Garoowe.

Kulanka oo saxaafadda dibad joog ka ahayd ayeey Labada Mas’uul qaadanayeen daqiiqado badan, iyadoo ugu dambeyn markii shirku dhamaaday ay saxaafadda uga warbixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee isaga iyo Kay ka wada shireen ahayd shirarkii maalin kahor kusoo dhamaaday deegaannada Puntland ee looga hadlayay wadatashiga nuuca ay noqon doonto doorashada 2016-ka.

Waxa uu sheegay Gaas in Mr Kay ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo la xiriia Hiigsiga 2016, waxaana uu ku amaanay Ergayga in Soomaaliya shaqo badan uu ka qabtay tan iyo markii uu xilkaan qabtay.

Dhinaca kale Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa dhankiisa ku amaanay maamulka Puntland iyo sidoo kale maamul gobaleedyada ka jira dalka sida wanaagsan ee ay u gudanayaan waajibaadka horyaalla iyo sidoo kale qaabka ay bulshada u gaarsiinayaan wadatashiga doorashada 2016.

Magaalooyin badan oo dalka ka mid ah waxaa kusoo gabagaboobay maalin kahor shirar ballaaran oo looga tashanayay doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2016-ka nuuca ay noqon doonto.

Goobjoog News