U bood dhigaalka

Faah Faahin: Maleeshiyaad u Abaabulan Qaab Beeleed Oo Ku Dagaallamay Mahadaay, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeyay Labo maleeshiyo oo u abaabulan qaab beeleed ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha dhexe, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan 1 qof ayaa dagaalkaasi ku dhintey, iyadoo dad ka badan Shan ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan xooggiisa ayaa ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Mahadaay, kaasi oo lagu magacaabo Shiidle Bari, iyadoo gabalkana uu dhacay dagaalka oo socda.

Caawa lama maqlayo wax rasaas ah oo dhaceysa, iyadoo aanay jirin cid kala dhex gashay Labada dhinac ee dagaallamay.

Dhinacyadan dagaallamay ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay degmada Mahadaay iyo deegaanno kale oo ku dhow degmadaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News