U bood dhigaalka

Faah Faahin: Markab Hub Sidey Oo Lagu Qabtay Dekadda Kismaayo

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka dekadda magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigey hub lagu soo qariyey markab kusoo xirtey dekaddaasi, gelinkii dambe ee shalay.

Markabkaan oo u rarnaa ganacsato Soomaali ah ayaa la sheegay in Kunteenar saarnaa laga helay Bistoolado iyo rasaas farabadan.

Saraakiisha amniga ee Jubbaland ayaa su’aallo weydiinaya ganacsatada Soomaaliyeed ee markabka u rarnaa iyo sidoo kale Kabtankii markabkaasi wadey.

Lama oga halka hubkan sida rasmiga ah looga keenay, cidda leh iyo meesha uu ku wajahnaa, balse saraakiisha ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa xiriir aynu la sameynay waxay ku sheegeen in goor dhow ay saxaafadda faah faahin buuxda kasiin doonaan hubkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News