U bood dhigaalka

Faah Faahin: Mas’uuliyiin Lagu Diley Degmada Balcad

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Cadayga oo hoostaga degmadaasi xalay lagu diley guddoomiyahii deegaankaasi iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Koox hubeysan ayaa la sheegay in xalay saq dhexe ay hoygooda kala baxeen mas’uuliyiintan, kadibna ay dileen sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Balcad.

Guddoomiyaha la diley ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Xasan Xaaji halka ku xigeenkiisa lagu magacaabayey Cilmi Qooje Xasan.

Illaa iyo hadda ragga wax diley lama oga waxa ay ahaayeen, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Shabellaha dhexe ay sheegeen in baaritaan ku wadaan.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidanka xoogga dalka, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi baaritaanno ay ka wadaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News