U bood dhigaalka

Faah Faahin: Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay K/Africa

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil habeenkii xalay ahaa dalka Koonfur Africa loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed.

Burcad K/afrikaan ah ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen xarun ganacsi oo ay ku sugnaayeen muwadiniin Soomaaliyeed xilligii Afurka ee xalay.

Rasaas ay fureen ayaa waxaa ku dhintey Muwaadinkaan oo lagu magacaabayey Khaliif Maxamed Jimcaale.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa ku dhow magaalada Pretoria, wuxuuna marxuumka damacsanaa in hoygiisa uu soo aado.

Soomaalida ayaa dhibaato badan ku qaba dalka K/afrika oo ay ku leeyihiin ganacsi aad u badan, waxayna dhibaatada kala kulmaan inta badan madowga dalkaasi.

Goobjoog News