U bood dhigaalka

Faah Faahin: Nabaddoon Lagu Dhaawacay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxa ay ku waramayaan in mid ka mid ah nabaddoonada magaaladaasi weerar lagu dhaawacay, waxaana weerarkaasi ka soo baxaya warar kala duwan.

Nabaddoonka la dhawaacay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Sugulle, waxa uuna ka mid ahaa nabaddoonada sida weyn looga garanayo gobalka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka lagu dhaawacay nabaddoonka ayaa yimid ka dib markii kooxo hubeysan ay ilinka hore ee gurigiisa rasaas kula fureen nabaddoonka oo xilligaasi ka soo baxay salaaddii cishaha ee xalay.

Kooxdii falka geysatay ayaa isaga baxsatay goobta, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo halkaasi ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga sidoo kalane lagu baadi goobayo kooxihii falka geystay.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilaa siyaasiyiin iyo nabaddoono, waxaana wali jirin tallaabo ay qaaday Puntland oo ay wax uga qabanayso dilalka qorsheysan ee magaaladaasi ka dhaca.

Goobjoog News