U bood dhigaalka

Faah Faahin: Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dileen mid kamid ah nabadoonnada ugu caansan magaaladaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayey Maxamed Gurey, waxaana goobta ka baxsaday sida la sheegay raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo ay ku doonayaan iney kusoo qabtaan raggii falkaasi ka dambeeyay.

Weli maamulka magaalada Gaalkacyo kama aanu hadal dilkan, hase ahaatee degmadaasi waxaa kusoo batay dilalka qorsheysan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News