U bood dhigaalka

Faah Faahin: Nin Iyo Xaaskiisa Oo Lagu Dilay Baay

Sheeko:Amniga

Rag hubeysan ayaa xalay waxay degmada Awdiinle ee gobolka Baay ku dileen nin iyo xaaskiisa, xilliga afurka kadib.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ragga dilka geystay oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay gudaha u galeen hoyga qoyskan, kadibna toogtay.

Lamaanahan la dilay waxay ahaayeen ganacsato, waxaana ay ka tageen dhowr carruur ah.

Cali Xuseen Cali, guddoomiyaha Awdiinle ayaa warbaahinta u sheegay in aan la aqoon sababta ay Al-shabaab u beegsadeen Lamaanahan, isaga oo tilmaamay in hadda ay wadaan howlgallo.

“Waxay ahayd dhacdo naxdin leh, in hooyo iyo ninkeeda la dilo, waxay ka tageen carruur oo hadda ehelkooda ayaa haya, lama oga sababta ay u dileen, balse wey baxsadeen oo ciidanka ayaa ku raadjooga.

Wixii ka dambeeyey bilshada bisha barakeysan ee Ramadan, Al-shabaab ayaa dilala qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanno iyo degmooyinka dalka ah.

Goobjoog News