U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qaabkii ay u Dhacday Doorashada Baydhaba iyo Balanqaadkii Uu Sameeyay Shariif Xasan Sheekh (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa maanta ka dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Seddaxda gobal, xilli madaxda dowladda ay ka biya diideen doorasho magaaladaasi lagu qabto.

Ka hor inta aysan doorashadaan ka dhicin magaalada Baydhaba, waxaa halkaasi ka dhacay dibad baxyo rabshado watey, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana magaalada isugu soo baxay shacab aad u badan oo ayidsan go’aanka dawlada ee lagu hakinayey shirka halkaas ka socdey.

Dadkii dibadbaxa dhigaye ayaa la sheegay in ay gubeen gaari uu lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, sida ilo wareedyo halkaasi ku sugan ay soo sheegeen.

Saacado badan odayaashii iyo musraxiintii damacsanaa in ay wax doortaan ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan halka doorashada ay ka dhici lahayd, ka dib buuq badan oo halkaasi hareeyay.

Abaare duhurnimadii maanta ayaa arintaasi waxaa toos u soo dhex galay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya oo ay ili xogogaal ahi sheegeen in ay gacansaar la leeyihiin murashax Shariif Xasan Sheekh Aadan ka dibna ay si khasab ah ku fududeeyeen in ay doorashadii dhacdo.

Si toos ah waxaa u furmay kulankii lagu dooran lahaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana intaasi ka dib tanaasul sameeyay Afar Musharax oo la tartamaysay Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaa oo kala ahaa:-

  1. Siyaad Sheekh Daahir
  2. Maxamed Xassan Cadoow
  3. Maxamed Xassan Faqi
  4. Aabo Awoow Suufi Xaaji Caffein

Musharaxiintaan waxay sheegeen in aysan shaqsi u tanaasulin, hase ahaatee ay u tanaasuleen danta shacabka ku dhaqan gobalada Koonfur Galbeed si ay caawa u seexdaan iyaga oo madaxweyne leh, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in la marayo sharciga doorashada maadaama Shariif Xasan uu kaligiis soo haray, waxaana ergada halkaasi ku sugneyn islamarkaana tiradooda gaaraysay 396, loo sheegay in gacan taag ay ku codeynayaan.

Haa waxaa ku codeeyay 373

Waxaa diiday 15

8-ruux waa ay ka aamuseen.

Hadaba ugu dambeyn waxaa natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha gudiga doorashada, waxaana uu sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal.

Shariif Xasan oo si kooban isna hadal halkaasi uga jeediyay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida xilkaan loogu doortay, waxaana uu sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu wax badan u qaban lahaa.

Waxa uu ka dalbaday shacabka ku dhaqan gobalada Sedaxda ah in ay la shaqeeyaan, islamarkaana uu balan qaadayo in isbedal muuqda uu keeno.

DOORKA DOWLADDA EE DOORASHADAAN

Dowladda Soomaaliya waxay horay amar ugu bixisay in la hakiyo shirkaan maamulka loogu sameynayay Koonfur Galbeed arimo la xiriira wada tashiyo in la sameeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waxay ku amreen hakinta shirkaan, hase ahaatee xubnihii shirka hogaaminaayay waa ay ka madax adeegeen taasi.

Maanta warqad waxa ay kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, taa oo si cad loogu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin wax walba oo kasoo baxa doorashadii maanta ka dhacday magaalada Baydhaba.

Qoraalka gudoomiyaha waxaa lagu yiri “Ugu dambeyn waxaan halkaan ku cadeynayaa natiijo kasta oo khilaafsan go’aannada Dowladda ee kor ku xusan ineysan Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsan doonin ayadoo taasina ay xad gudub ku noqoneyso Dastuurka Dalka qodobkiisa 48aad,farqada 2aad ee siineysa Xukuumadda Federaalka awoodda hagidda iyo maamul dhisidda gobollada dalka, mas’uuliyadda wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana ay qaadi doonaan cidii ku xad gudubta go’aammada Dowladda Federaalka Soomaaliya”

Hadaba su’aasha meesha taala ayaa ah sida uu maamulkaas ku socon doono amaba uu u noqon doono mid dhaqan gal ah mar hadii ay dawladu si rasmi u sheegtay in habka loo waday doorashadaas isla markaasna loo soo magacaabay ergooyinkii iyo gudiga doorashada aysan ahayn hab waafaqsan sharciga federaalka iyo dastuurka dalka.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in magaalada Baydhaba ay ku sugan yihiin maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobal, kuwaas oo dhankooda sheegaya in aysan aqoonsaneen maamul aan iyaga ahayn.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Goobjoog News