U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax xooggan ayaa caawa waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, wuxuuna geystay khasaare kala duwan.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Hotelka Makka Al-mukarrama iyo Maqaayadda Hilaac UK.

Xilliga qaraxa uu dhacayey waxa ay wadadu ahayd mid aad u mashquul badan, waxaana halkaasi ku yaalla xarumo ganacsi oo ay dadku aad uga dukaameystaan.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobtaasi ku dhintay dad ka badan Shan qof iyadoo 25 kalena dhaawac uu kasoo gaaray.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah kuwaasi oo qaaday dadkii dhaawacmay.

Qaraxa kadib waxaa dab xooggan uu ka kacay carwooyin ku yaalla halkaasi hase ahaatee ugu dambeyn waxaa damiyay gaadiidka dab-damiska ah.

Waxaa socona baadigoobka haddii ay jiraan dad kale oo ku harsan dhismayaasha ku dumay qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News