U bood dhigaalka

Faah Faahin: Qarax Gaari Oo Saakay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad  ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo saakay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay iney ka shakiyeen gaarigan islamarkaana isku dayeen iney joojiyaan, balse shaqsigii waday uu damcay inuu fakado.

Sida sawirka hoose ka muuqata, darawalka ayaa damcay in gaariga uu si awood ah u mariyo wado markii hore lagu xiray Carro iyo dhagxaan.

Gaariga ayaa halkaasi mari waayey, waxaana ugu dambeyn la sheegay in shaqsigii waday uu is qarxiyey, wallow aan weli faah faahin intaan ka badan laga helin.

Waxaa xiran weli halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana gaaray ciidamo dheeraad ah iyo sidoo kale kuwa baara qaraxyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News